Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu telefoon u diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta saaka, isla markaana uu la qeybsaday xaaladda adag ee dalkaasi kadib weerarkii Alshabaab.
“Waxaan saaka telefoon kula hadlay -Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenyatta, waxaan xilligan adag garab taagan nahay Kenya. Dowladda Somalia waxay mar walba diyaar u tahay inay dalalka deriska kala shaqeyso joojinta, baabi’inta iyo ka guuleysiga argagixisada” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.
21 qof ayaa ku dhintay weerarkii ay Alshabaab ku qaaday dhismaha Dusit ee magaalada Niarobi, kadib weerar qorsheysan oo qaraxyo ku bilowday, kaasoo Talaadadii 15-ka Janaaho 2019.