Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday qaar ka mida madaxda dalalka Geeska Afrika ee saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya inay ku qanciyaan Ra’iisal wasaarihiisa ay is hayaan inuu xilka isaga tago kadib muddo bil ka badan oo khilaaf xoog leh ka dhex jiray labada nin.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa horeba xiriiro ula lahaa labada nin, isagoo ku booriyay inay khilaafkooda soo afjaraan. Waxaa sidoo kale xiririka dhinaciisa ka wada Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn; laakiin markan wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inay labada hogaamiye ee dalalka Jabuuti iyo Itoobiya culeys saaraan Ra’iisal wasaaraha.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa isagu si toos ah u taageersan ra’iisal wasaaraha, halka Jabuuti ay u janjeerto madaxweynaha. Itoobiya oo arrinteedu mugdi ku jirtay ayaa Ra’iisal wasaare Desalegn iska fogeeeyay dhaqdhaqaaqa uu wado Gen. Gabre oo ah Itoobiyaan ka mida saraakiisha oo si weyn ugu milan siyaasadda Soomaaliya isla markaanba si caddaan ah ula safan madaxweynaha iyo kooxdiisa.
Ma muuqato wax ay madaxda Geeska Afrika ka qaban karaan khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u dhaxeeya oo hadda lagu heshiiyay in cod lagu kala baxo, waxaase soo if baxaysa in dhinaca madaxweyne aanay qabin rajo 100% codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]