Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku dhaqaaqay talaabo uu ku jebiyay dastuurka Federaalka, Xeerka dhismaha Maamulada iyo Degmooyinka dalka iyo heshiis ay dowladiisa magaalada Adis ababa kula gashay hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba August 2013.
Socdaal uu madaxweynaha ku tegay magaalada Kismaayo Khamiistii 18 December 2014 ayuu kaga dhawaaqay in maamulka KMG ah ee Jubba hadda wixii ka danbeeya uu yahay “DOWLAD GOBOLEEDKA JUBALAND” hogaamiyaha maamulkaasina uu noqonaya “MADAXWEYNAHA JUBALAND”.
“Maanta waxaan heshiis ku galnay in mudane Axmed Maxamed Islaan uu qaato jagada madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo intaas ku daray inay ku balameen wixii ka dhiman maamul goboleedka Jubaland in la dhameystiro.
Arrintan oo ah magacaabid oo kale ayaa soo baxday iyadoo socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo uu ahaa mid salka ku haya raaligelin uu siinayo beesha ay kasoo jeedaan Axmed Madoobe iyo Xuseen Cabdi Xalane, waxayna beesha iyo siyaasiyiinteeda ka caroodeen markii uu jagada ra’iisal wasaaraha u magacaabay Cumar C/rashiid Cali, halkii uu hore ugu balanqaaday inuu u magacaabi doono Xuseen Cabdi Xalane.
(Akhri ujeedada socdaalka Madaxweynaha ee Kismaayo).
Aqoonsiga madaxweynugu u aqoonsaday maamulka Axmed Madoobe inuu yahay Maamul Goboleed buuxa, waxay marka hore si cad uga hor imaaneysaa arrimaha soo socda:
- Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo dhismaha maamul Goboleedyada u dhigaya hanaan loo raaco. (Akhri Qodobka 49-aad oo awooda oo dhan siinaya Baarlamaanka, kaasoo faqradiisa 1-aad ay u qoran tahay sidatan:
(1) Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
- Xeerka maamul u sameynta Gobolka oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay.
Sharcigan wuxuu awoodda oo dhan siinayaa dadka degaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxaana Baarlamaanku ansixiyay horaantii August 2013 oo ka horeysay heshiiskii Axmed Madoobe iyo dowladda.
(Halkan kala soo deg oo ka akhriso sharciga Maamulada Degmooyinka iyo Gobollada Dalka)
- Wuxuu kaloo ka hor imaanayaa heshiiskii dowladda Federaalka la gashay Axmed Madoobe ee Addis ababa lagu saxiixay 27 August 2013; kaasoo qodobkiisa labaad uu dhigayo:
The duration of the Interim Administration shall be a period of not more than 2 years, during which – and subject to the constitutional process – a permanent Federal Member State will be established.
(Ka furo halkan heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe)
Waxaa muuqata inuu madaxweynuhu ka tallaabsaday heshiisyadii dowladda gashay iyo sharciyada arrimaha federaalka oo dhan isagoo iskiis heshiis ula galaya mid ka mida maamulo dalka ka jira, taasoo laf ahaanteeda sharci darro kale ah, mar haddii uusan madaxweynuhu lahayn awooda fulinta, ayna maqan tahay xukuumadii loo igmaday howshaas, waxaa kaloo maqan la xisaabtankii Baarlamaanka ee tallaabooyinka madaxweynaha.
Saameynta heshiiskan qarsoodiga ah ee madaxweynaha iyo Axmed Madoobe yeelan karo:
- Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe inuu isu qaato maamul goboleed buuxa sida Puntland oo aanay saameyn ku yeelan, sharciyada dowladda Federaalka iyo awood qeybsiga beelaha degaankaasi.
- Inay gebi ahaanba istaagto fulintii heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe oo qodobadiisii aan intooda badan la dhaqan gelin, isla markaana goboladda Jubbooyinka noqdaan kuwo Madaxweyne Xasan Sheekh u saxiixay shaqsi qura.
- In madaxweynuhu isku dayayo inuu heshiisyo u gaara la sameysto maamulada dalka ka jira, iyadoo taas lagala hordhacayo Baarlamaanka iyo xukuumadda, waana dhismaha isbaheysiyo dano siyaasadeed iyo rabitaan gaara ku dhisan.
Guud ahaan waxaa la dhihi karaa heshiiska madaxweynaha uga dhawaaqay inuu Axmed Madoobe kula galay Kismaayo kadib socdaal maalin gelinkeed ah wuxuu ka dhigan yahay dembi laga galay dowladnimada iyo nidaamka hirgelintiisa bilowga ahayd ee Federaalka, waana arrin u taalla inay Baarlamaanka doorkooda ka qaataan, kana hortagaan sharci jebinta madaxweynaha iyadoo la ogyahay in heshiiskii Addis laftiisa lagala dhuuntay Baarlamaanka.
Faaqidaadda Wadani.com
Muqdisho-Somalia