Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday dadna ku dilay degaanka Dhagxanya-cadde oo duleedka degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Weerarka ayaa lagu dilay laba nin oo kamid ah dadka degaanka ee xoola-dhaqatada ah, waxaana halkaasi ka dhacay, iyadoo sidoo kale la sheegay inuu dhintay qof kale oo ku dhaawacmay weerarka ka dhacay miyiga Dhagxanya-cadde.
Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay inay kasoo jeedo Galmudug, iyadoo arrintan salka ku heyso aano qabiil iyo colaad ka dhaxeysay beelaha kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dabagal ku sameeyeen dableyda weerarka geystay oo u baxsatay dhinaca GalMudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo falkan ka hadlay ayaa tacsi u diray dadka la dilay, wuxuuna sheegay inuu cambaareynayo dilka ka dhacay deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug.
Wsiir Fiqi ayaa arrintan ku tilmaamay fidno cusub oo lagu qalqal gelinayo xasiloonida degaanka iyo wada noolaasha dadka deriska, wuxuuna ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, lana baaritaan xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaasi iyo Alshabaab.
