Mareykanka ayaa ku booriyey madaxda Soomaalida inay raacaan jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, ayna sii wadaan wadahadalka u dhaxeeya.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu xusay muhiimada go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shalay.
“Waxaana ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay sii wadaan wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada si loo soo gabagabeeyo doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, oo hufan iyadoo la raacayo waqtiga loo dejiyey..” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.
Warka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ahaa kii ugu debecsanaa ee kasoo baxa dowladda Mareykanka muddooyinkan, inkastoo ay welwel ka qabaan dib u dhaca xilliga Doorashada.
