Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Deyniile ayaa u dhintay qarax dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala beegsaday.
Faahfaahin laga helay qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka la dhigo ayaa sheegeysa in qaraxa oo ka dhacay xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid lala beegsaday Gaariga Gudoomiye kuxigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud.
Waxaa qarax ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Deyniile Cabdi Maxamed Maxamuud, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar ka mida ilaaladii la socotay Gaariga, waxaana burbur kasoo gaaray gaarigii ay la socdeen.
Waxaa goobta qaraxa gaaray Ciidamada Amniga oo qaaday meydka guddoomiye kuxigeenka & dadkii kale ee waxyeelada soo gaartay.
