Mas’uul ka tirsanaa wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Dool oyaa shaqadii laga eryay, isagoo ahaa Agaasimihii maamulka Xafiiska Wasiirka Arrimaha dibadda.
Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa shaqada ka eryay mas’uulkan iyadoo lagu helay inuu taageeray dowladda Isra’iil, isla markaana cambaareeyay reer Falastiin, markii qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka, kaasoo abuuray buuq fara badan.
C/llaahi Dool aayaa dhowaan qoray inaysan diplomaasiyad ahaan waxna ku jabneyn haddii ay Somalia xiriir Diblomaasiyadeed la yeelato Israel, wuxuuna intaas ku daray in danta Soomaaliya ku jirto inay u dhowaato Israel.
Wuxuu kaloo qoraalkiisa ku sheegay in shacabka Reer Falastiin ay yihiin dad khasaaray, wuxuuna cambaareeyay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas, waxayna arrintan keentay in dad badan ay ku naqdiyaan fekerkiisa isagoo haddana ah mas’uul ka tirsan dowladda.
Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa taageeray xil ka qaadista C/llaahi Dool, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya uusan la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yuhuuda, sida uu yiri.
Israa’iil waxa xiriir diblomaasi la leh qaar ka mida dalalka Carabta sida Masar, Jordan iyo dalal ka mida Khaliijka oo xafiisyo ay is weydaarsadeen.
