Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay xalay la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Mooshinku ka yaallo Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Kulanka oo yimid kadib ku dhowaad toddobaad oo xaalad siyaasadeed kacsan iyo xiisad ay hareysay xildhibaannada Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa la sheegay inay labada mas’uul ee ugu sareysa uga hadleen sidii loo xalin lahaa xaaladda taagan.
Gudoomiye Jawaari ayaa ka dalbaday madaxweynaha in ciidamada xukuumadda dul dhigtay laga qaado xarunta baarlamaanka isaguna uu diyaar u yahay in mooshinka si daahfuran oo aan mugdi lahayn looga doodo, wuxuuna u caddeeyay inuu ka dul qaaday culeys waanwaan iyo dhexdhexaadin laga galo arrinta Mooshinka.
Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale dalbaday in dooda mooshinkiisa iyo codeynta kalsooni kala noqoshada aya goobjoog ka noqdaan xubnaha Aqalka Sare iyo wakiilada ururada bulsahda iyo beesha caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay dalabka Jawaari, isagoo balanqaaday inuu xukuumadda kala hadlayo qodobadda uu soo bandhigay guddoomiye Jawaari.