Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii Dowlad-Goboleedka K/Galbeed ayaa 7-Bishan November qaatay go’aan siyaasadeed oo aan laga fileyn, balse fursad u ah Xukuumada Federalka oo Shariif Xasan u arkeysay mid siyaasadiisu dheereyso suuragalna ay aheyd in uu loolanka doorashada kaga adkaado Musharixiinta Xukuumada ay baritaareyso.
Herdanka Shariif Xasan looga adkaaday kuma uusan koobneyn tartanka doorashada, balse Shariifka ayaa gebi ahaanba siyaasada dowlada federalka qaadacsanaa, wuxuuna xulafo la ahaa C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland iyo Axmed Ducaale Madaxweynaha Galmudug.
Joogista Shariif Xasan ee Madaxtooyada KGS waxay nabar ku aheyd Xukuumada Kheyre oo damaceedu yahay in hogaamiye muxaafid ah uu qabto talada Maamulka K/Galbeed.
Shariif Xasan door nooce ayuu tartanka doorashada ku yeelan doonaa…
Isagoo aaminsan in dowlada federalka ay awood u adeegsatay ayuu xafiiska baneeyay, mar walibana filashadu waa siyaasad ka dhan ah Dowlada dhexe.
Khubarada ayaa aaminsan in Shariif Xasan uu awoodiisa isugu geyn doono mid kamid ah Musharixiinta si uu uga hortago damaca xukuumada ee “Masharax u dhago fudud”
Waxaa loo arkaa Shariif Xasan in uu awoodiisa iyo taageerada uu ku lahaa Baarlamaanka KGS la garab istaagi doono Wadaadka dowladu aysan ku qanacsaneyn Musharaxnimadiisa ee Mukhtaar Rooboow.
Mukhtaar Rooboow oo KGS looga arko madaxweynaha Shacabka ayaa u baahan taageero siyaasadeed, Guuldarada Shariif Xasan waxay soo dedajin kartaa guusha Mukhtaar Roobow sidaas dad badan ayaa aaminsan.
Xukuumada Wali way ka baqeysaa Siyaasada Shariif Xasan…
Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Federalka oo goobjoog ka ahaa is-casilaada Madaxweynihii Koonfur Galbeed ayaa yiri: “Shariif Xasan meel uun waa uu kaga soo jiireyn doonaa siyaasadda.., ee meel kheyr qabto Allaha ka dhigo” taasi ayaa muujineyso in lagu baraarugsan yahay saameyn kale oo uu shariif xasan lasoo shir tago.
Maxaa kajira in Xukuumada ay dhaqaale ku bixineyso Musharax gaar ah..?
Tan iyo markii tartanka doorashada uu ka biloowday Baydhabo waxaa soo baxay isku dayo xukuumada federalka ay ku dooneysay inay ku maammusho dhaqdhaqaaqa doorashada, durbaba waxay ishor istaag ku sameysay Musharax Abuu Mansuur, balse taasi ma joojin damacii Mukhtaar Rooboow.
Wasiirkii Tamarta C/casiis Lafta-gareen iyo Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan oo labaduba kasoo jeeda K/Galbeed ayaa isu soo sharaxay xilka, Baydhabana yimid iyagoo gaadiid iyo hub wata lacagna lasoo galay loolanka.
Talaabadaas ayaa loo arkay mid xukuumadu ay gadaal ka taagan tahay, mudo kadib waxaa soo shaac baxday in xildhibaano Boqol ku dhaw Muqdisho loo qaaday dhowr cisho halkaasina lagu tashkiilinayey, taasoo sabab u noqotay is-casilaada Shariif Xasan.
Su’aal ayaa hadda ka taagan in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo guddigii doorashadana waxaa saameeyay dagaalkii siyaasadeed ee Shariif Xasan iyo Xukuumada Federaalka.
W/Q: Saleemaan Axmed Raage