Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Maxaa lagu heystaa Guddoomiye Jawaari..? [Faaqidaad ku saabsan Aragtida siyaasadeed ee 105-ta Xildhibaan]

    Maxaa lagu heystaa Guddoomiye Jawaari..? [Faaqidaad ku saabsan Aragtida siyaasadeed ee 105-ta Xildhibaan]

    March 27, 2017Updated:March 27, 20173 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib Qoraalkii talo-soo jeedinta xildhibaanada Baarlamaanka ee Guddoomiyaha Baarlamaanka u diray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa soo baxay dood ku saabsan qoraalkaasi.

    Qeybta ugu weyn ee cambaareynta waxay ku dhacday Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo dadka qaarkiis ay ku sheegeen daneyste, qaar kale ku eedeeyeen qaran dumis, iyo qaar ku sheegay inuusan aqoon lahay…!!!

    Haddaba waxaan dib u eegeynaa qoraalka ‘TALO SOO JEEDINTA’ ee loo diray, waxaa la oran qoraalku ma ahayn “MOOSHIN” sida dad badan u heystaan. mana ahayn “AMAR – QARAAR” kasoo baxay Baarlamaanka ee wuxuu ahaa “ARAGTI SIYAASADEED”  oo ka timid xildhibaano 100 ka badan oo ku socotay madaxweynaha qeybo ka mid ahna ay sax ahaayeen, marka sharci ahaan loo eego.

    Talo soo jeedintu waa arrin ay sameyn karaan xildhibaanada Baarlamaanka, horena waxaa u dhacday in wasiir ka mida xukuumad ay xildhibaanadu kasoo jeediyeen talo ah inuusan shaqadiisa gudan oo Ra’iisal wasaarihiisii loo gudbiyay.

    Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ahQODOBADDA AY CUSKADEEN XILDHIBAANADA

    1- AWOOD QEYBSIGA BEELAHA: Waa qodobka ugu weyn ee ay xildhibaanada diidan xukuumadda cusub cuskadeen in lagu xadgdubay, waana heshiis hoose oo Soomaalidu awoodda ku qeybsato, kaasoo ka weyn dastuurka qoran, haddii aysan sidaasi ahayn waxaa la arki lahaa madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare ka soo jeeda hal beel.

    Qodobkaas ma cadda marka ay tagto beelaha dhexdooda, waana arrin adag in mararka qarkood jufooyin hoose jagooyin loo qeybiyo, tusaale ahaan in jufo heysata kursiga Baarlamaanka aan loogu darin jago wasaaradeed.. waxaana laga yaabaa in R’iisal wasaare Kheyre ay khaladaad noocaasi ka galeen beelo aan badneyn. Qodobkan lama oran karo waa arrin weyn oo dhaqaajisay xildhibaanadan.

    2- Qodobka 69-aad, Faqridiisa labaad waa mid kale oo ay cuskadeen xildhibaanada diidan qaab dhismeedka xukuumadda cusub, taasoo micnaheedu yahay caddeynta in xildhibaanada ay awood u leeyihiin hubinta dhaqangelinta sharciga iyo korjoogteynta hay’adaha qaran.

    Qodobka isma waa muujin awoodeed iyo inay xildhibaanada wixii ay u arkaan sharci darro tallaabo ka qaadi karaan.

    3-  Qodobka sharci ahaan quseeya wasiirada la magacaabay waa qodobka sheegaya in wasiirada ay aqoontoodu gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed, waana qodob muddo heer lagu tumanayay, laakiin aysan suuragal ahayn in la caddeeyo arrintan maadaama shahaado Jaamacadeed ay sameysan karto cid waliba xaaladda dalka ka jirta awgeed.

    Wasiirada uu magacaabay Ra’iisal wasaare Kheyre qaarkood waa dhalinyaro, qaar kalena waa dad ku cusub siyaasadda, 42 ka mida waa xildhibaanno. 8 xubnood haween oo 6 ka mida wasiiro yihiin, mana jirto wax badan oo ay uga duwan tahay xukuumadihii hore marka laga reebo in qabqableyaashii xildhibaanada ay iska waayeen.

    Haddii aan isku soo duubno qoraalka Prof. Jawaari soo saaray wax denbi ah kuma laha, kaliya wuxuu soo gudbiyay aragtida xildhibaano 105 xubnood ah oo aragtidooda aanu meel iska dhigi karin ama dabooli karin, mana aha dhibaato iyo carqalad ee wuxuu ra’iisal wasaaruhu xaq u leeyahay inuu dib u saxo ama ku adkeysto, mar walibana wuxuu u baahan yahay kalsoonida Baarlamaanka.

    Faaqidaadda Wadani.com

    Golaha wasiirada Prof. jawaari Qoraalka Jawaari Top xukuumadda cusub
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka K/Galbeed oo beeniyay war laga faafiyay Madaxweyne Shariif Xasan [Akhri warka]
    Next Article C/raxmaan Faroole oo Baarlamaanka uga digay inuu Aqalka Sare faragelin sameyn doono [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo