15 Maxbuus oo ka mid ah 118 – ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai ayaa maanta ay Maxkamadi ku ridday xukun.
15 – ka maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.
Waxay hore u xirnaayeen min 6 sano iyo bar. Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ka harsan tahay 6 bilood oo xarig ah. Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn.
Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa in aan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanuu saameyneyn heshiisku.
Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, wafdigiisa iyo safaaradda oo kaashanaya Qareenka maxaabbiista oo Indian ah, ayaa ka shaqeynaya sidii ay ku suurtageli lahayd in 15-ka maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono.
Kooxda xigta ee Maxaabbiista ah waxaa xukunku ku dhici doonaa maalinta Sabtida ah.
Xigasho: Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad