Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh ayaa dib uga noqonaya go’aankii uu 15 xildhibaan uga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka.
Kulan gaara oo dhex maray xildhibaanno katirsan mucaaradka iyo Maxamed Mursal intii aanu furmin shirkii maanta ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay qoraalka xildhibaannadaasi looga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka oo sharci darro lagu tilmaamay.
Wararka ayaa sheegaya in Mursal uu aqbalay heshiis dhex maray xildhibaannada mucaaradka oo ku saabsan in kulamada Baarlamaanka ay si caadi ah u dhacaan, isla markaana 15-ka xildhibaan ay ka qeyb galaan kulamada soo socda ee Baarlamaanka, sidaasina looga noqdo qoraalkii hore u soo baxay.
Guddoomiye Mursal ayaa dalbaday ciidamo badan oo isugu jira dharcad lasoo dhoobay Baarlamaanka iyo ciidamadoku hubeysan Beebeeyaal iyo gaadiidka dagaalka oo lagu ilaalinayey Madaxtooyada.