Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa daba joogta dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohamed oo loo heysto dilka weriyihii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi.
Ilhan oo ka mida Guddiga Arrimaha Dibadda Koongareeska ayaa shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.
Ilhan Cumar ayaa ku doodeysa in Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamal Khashoggi, sannadki 2018.
Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihi shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xiro ama lasoo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga balse heystay deganaashaha Mareykanka.
Bayaan ay shalay soo saartay, ayay Ilhan ku tiri: “Tani waa tijaabada bani’aadannimada. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”
Mareykanka ayaa todobaadkii hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salman. Ilhan ayaa Sacuudiga looga arkaa haweeney caddow ku ah Sacuudiga, waxaana ka socda olole lagu eedeynayo oo ka dhan ah.
