Maxkamadda Sare ee dalka ayaa wax kasoo saartay Garsuge-nimada Maxbuuska, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in garsuguhu maxkamad la’aan aanu xirnaan Karin wax ka badan 48-saacadood.
Wareegto ay soo saartay maxakamadda sare ayaa si weyn loogu qeexay muddada garsugaha, iyada oo maxkamadaha dalka iyo dhamaan talisyada Booliska, Nabad-Sugidda iyo Asluubta lagu socodsiiyey wareegtada.
Xafiiska Xeer ilaalinta iyo xafiisyada kale ee dambi baarista ayey maxkamaddu u jeedisay in ay hirgaliyaan wareegtadaan islamarkaana baaristooda ay ku dhameeyaan muddada sharciga uu farayo oo ay maxbuuska eediisa usoo gudbiyaan maxkamadda awooda u leh ama xoriyadiisa ay dib ugu celiyaan.
Qodobkan ayaa ah mid ku cad Dastuurka Dowladda Federaalka ee KMG ah, iyadoo cidamada ugu badan ee tacadiga ku sameeya qodobkan ay yihiin kuwa NISA ee nabadsugidda oo dadka iska xirta xilligii ay doonaan
Akhriso Wareegtada Maxkamadda Sare