Maxkamadda Sare ayaa diiday dalabkii ka yimid Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo ku saabsaneyd Dacwad uu qortay Fahad Yaasiin Xaaji oo ku saabsan kursi xildhibaan uu kasoo qaatay Magaalada Beledweyne.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa mesha looga saaray waqti dheeraad ah oo uu dalbatay Garyaqaanka Guud, iyadoo hal maalim ku kordhisay muddo 48 saacadood ah oo ay hore ugu qabatay in lagu keeno Jawaabta Dacwadda Fahad Yaasiin.
Wararka ayaa sheegaya inay maanta ku eg tahay waqtiga ciriiriga ah ee Maxkamadda Sare ay amarka ku bixisay in laga soo jawaabo Dacwadda uu qortay Fahad Yaasiin oo Guddiga FEIT ku heysta inay ka hor istaageen kursi xildhibaan oo loo doortay.
Maxkamadda Sare ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ku dhawaaqdo in wax khalad ah lagu heynin kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, markii jawaab laga waayey dhinacii heystay ee FEIT, sidaasina uu ku fasaxan yahay, taasoo ah Qorshe hore loo diyaariyey.

