Ehaladii dadkii lagu dilay weerarkii Bariire ee waaberigii Jimcaha ka dhacay Gobolka Shabeelada Hoose ayaa diiday inay aasaan meydadka.
Meydadka oo ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 10 qof oo saddex kamida ay caruur yihiin ayaa lagu eedeeyay inay dilkooda ka dambeeyeen ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka.
Ehalada dadkan oo kulan la yeeshay Guddi ay dowladda Soomaaliya u saartay arrintan ayaa diiday in la aaso meydadka iyadoo aan arrintooda meel la saarin, magna laga bixin.
Guddoomiye ku xigeenka goboka Sh/hoose Cali Nuur ayaa Wakaalada wararka Retures u sheegay in meydadka ay xareysnaan doonaan inta dowladda ay ka bixineyso magdhow. “Waan diidnay inaan aasno, maxaa yeelay dowladda waa beenisay inay dilkooda, ilaa iyo haddana si toos ah uma qiran inay dadkaas shacabka ah dishay, mana aaseyno ilaa ay ay ka qiraneyso dembiga, isla markaana ay bixineyso magdhow..” ayuu yiri.
Diinta islaamka ayaa qabta in meydadka si degdeg ah loo aaso, iyadoo arrintan loo adeegsanayo in culeys lagu saaro dowladda federaalka Soomaaliya.