Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in meydka gabar yar oo muddo laba toddobaad ah la la’aa laga helay degaanka Ceyn ee u dhow Godinlabe, ee Gobolka Galgaduud.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Caasho Maxamed Shanle ayaa muddo laba toddobaad ah la waayey, waxayna qoyskeeda raadinayeen 15 maalmood oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay, iyadoo loo maleynayo in la qafaashay, waxaana saaka la sheegay in meydkeeda oo la gowracay laga helay tuulo u dhow Godinlabe.
Sida ay sgeegeen Qoyska Gabadha waxaa laga xiray gacmaha iyo lugaha, iyadoo dilkeeda loo adeegsaday Midi lagu gowracay, waxayna ahayd 11 sano jir, iyadoo aan la caddeyn cidda ka danbeysay falkaas naxdinta leh.
Wararka ayaa sheegaya in dilka gabadha yar looga shakiyey habaryarteed oo ay la nooleyd, waxaana la sheegay inay iyadu geysay degaanka lagu dilay ee gowracay.