Tirada dadkii ku dhintay qaraxii weynaa ee 28-kii bishan ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye ayaa sare u kacday, kadib markii ay geeriyoodeen qaar ka mida dhaawacyadii qaraxaasi.
Laba qof oo dhaawac ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaallada magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale dalka Turkiga ku geeriyooday haweeney ka mid ahayd 16-kii qof ee dhaawac ahaa ee xalay gaaray dalka Turkiga, iyadoo haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Aamina Cusman Khayre ayaa la sheegay in xaaladeeda ay ahayd mid liidata.
Dhimashada ka dhalatay qaraxii Ex. Kontrol ayaa hadda gaartay 83 qof, markii saddex qof oo kale ay dhinteen, waxaana intaas wehliya ilaa 25 qof oo lagu la ‘yahay qaraxaasi, kuwaasoo eheladooda ay ka waayeen dhammaan isbitaallada caasimadda, sida laga soo xigtay afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta.
Qaraxa ayaa sidaasi ku noqonaya kii labaad ee ugu qasaaraha badnaa oo ka dhaca Soomaaliya, marka laga reebo Qaraxii Soope, waxaana dhimashada guud ahaan marka lagu daro dadka maqan ay gaareysaa ilaa 108 ruux.