Midowga Yurub ayaa war kulul ka soo saaray dib u dhaca ku yimid ansixinta nidaamka doorashada Soomaaliya ee 2016, isagoo sheegay in fursad weyn la lumiyay markii Baarlamaanka Soomaaliya ansixin waayay qaabka doorashada maalintii ay Muqdisho tageen safiirada Golaha ammaanka Q/Midoobay.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub uu maalmihii ugu dambeeyay si dhow ula shaqaynayay madaxda dawladda federaalka ah iyo madasha wadatashiga iyo guddiga uu baarlamaanku u xil saaray dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay madasha wadatashiga qaran.
Midowga Yurub ayaa War-saxaafadeedkiisa ku sheegay in horumar la sameeyay, balse haddii si degdeg ah arrintan xal loogu heli waayo ay qasab ku noqon doonto dalalka Midawga Yurub inay ka fiirsadaan taageerada ay u fidiyaan dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana lagu baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa caddeyn kale u ah sida Beesha Caalamka faraha ugula jirto arrimaha Soomaaliya, iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay cadaadis lagu saarayay Baarlamaanka Soomaaliya inuu si duuduub ah u ansixiyo isagoo aan ka doodin heshiiska doorashada ee ay gaareen madaxda Soomaalida.
Wadani.com