Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta lasoo taagay 7 qof oo ku eedeysan kiiskii dilka naxdinta lahaa ee magaalada Muqdisho loogu heystay Marxuum Axmed Dowlo.
Dacwadda kiiskan ayaa ka furantay Maxkamadda magaalada Muqdisho, iyadoo eedeysanayaasha oo gaaraya 7 qof lagu soo oogay kiiska dilka ah ee nolosha lagu gubay marxuumka Axmed Dowlo oo dhacay September 2018.
Kiiskan oo in muddo ah si weyn loo hadal hayey ayaa meesha ka baxay markii xiisadii ka dhalatay ay qabowday, waxaana weli la ogeyn labadii qof ee kiiskan sababta u ahaa halkii ay ku danbeeyeen.
Dilka Marxuun Axmed Dowlo ayaa waxaa sababay arrimo heyb kala sooc ah, markii wiil uu adeer u ahaa marxuumka uu guursaday gabar ay deris ahaayeen oo qosykoodu ay si weyn u diideen, kadibna arrintu isu bedeshay gacan-ka-hadal.