Ciidamada Amniga ayaa Xalay xiray wadooyinka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo xilli dambe ay bilowdeen qulqulka ciidamo fara badan oo laga soo saaray xerada TurkSOm ee Muqdisho.
Wadooyinka Caasimadda ayaa laga dhigay Gaadiid iyo ciidamo hubeysan, waxaana jid waliba xiray ciidamadaasi oo diiday inay dadka caadiga ah iyo Gaadiidkana isu socdaan, goobaha ugu darran ayaa waxaa ka mida Jidka Maka Almukarama ee taga Madaxtooyada.
Dad badan oo dano lahaa ayaa ku xayirmay magaalada oo gebi ahaanba gashay bandow aan hore loo shaacin, waxaana dadka arrintan saameysay ka mida qaar xanuunsan iyo xaalado gaara qabsadeen oo qaarkood ay ciidamada wadooyinka la dhigay tacadiyo kula kaceen.
Maanta oo ku beegan Xuska 12-ka April markii la asaasay ciidamada Xoogga Dalka ayaa la waxaa dhaceysa munaasabad si weyn loo siyaasadeeyay oo xus loogu sameynayo ciidamada xoogga dalka, waxayna ku soo beegantay xilii uu dalku ku jiro xaalad kala guur ah, khilaaf. xoog lehna ka taagan tahay dhammeystirka Doorashada raagtay ee Dadban.
Dhinaca kale xuska 12-ka April ee asaaska ciidamada Xoogga dalka oo maanta dhacaya xilli Ramadaan ah oo Abaar xoog leh ka jirto dalka, waxay taageerayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo u adeegsadeen munaasabadaan olole siyaasadeed iyo doorasho.
