Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Ninkii Mdoobaa ee Mareykanka loogu dilay $20 darteed oo magdhow ahaan loo siiyey 27 Milyan Doollar

    Ninkii Mdoobaa ee Mareykanka loogu dilay $20 darteed oo magdhow ahaan loo siiyey 27 Milyan Doollar

    March 13, 2021Updated:March 13, 20213 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka ayaa magdhow gaaraya 27 Million oo doolar siiyay qoyska ninkii madoobaa ee George Flyod oo Boolisku dileen bishii June 2020.

    Lacagtan ayaa qaarkeed lagu kaalmeyn doonaa xaafadii uu Ninkan lagu dilay markii askari caddaan ah oo Neefta ku celiyey, isagoo jilibkiisa qoorta ka saaray, waxaana arrintan ka dhashay bannaanbaxo waaweyn oo Mareykanka iyo dunida qabsaday.

    Muuqaal kooban oo laga duubay falka lagu dilay George Fyod oo ahaa 46 sano jir ayaa muujinaya wixi dhexmaray isaga iyo Booliska Minneapolis ilaa u dhintay markii ay neefta ku xirantay oo ereyadiisii ugu danbeeyay ay ahaayeen “MA NEEFSAN KARO”.

    Qoyska Floyd ayaa sheegay in hadddii uusan ahayn muuqaalka laga duubay markii Askariga luqunta jilibka kaga hayay ay adkaan lahayd in caddaad la helo. Golaha Magaalada Minneapolis ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay ansixinta lacagta magdhawga ah kahor dhageysiga dacwadda ee dhammaadka bishaan Maarso, waa lacagtii ugu badnayd ee abid lagu bixiyo gobolka Minnesota.

    Arrinta dhalisay in Booliska ay gacanta ula tagaan ninka Madow ee George Floyd ayaa ahayd markii dukaan lagu magaacbo Cap Foods uu ka iibsaday sigaar, kadibna shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska ugu yereen una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo faalso ah.

    Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu TV-ga NBC ee Mareykanka u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa uu ka maqnaa.

    Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday. Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan xaaladiisa koontarooli karin.

    8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray. Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len in George Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego, kadibna waxaa dhacday mashaqadii keentay inuu dhinto ninkii.

    Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran. Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey.

    George Floyd Minneapolis Minnesota US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada dowladda oo xiray Wadooyinka Muqdisho iyo Gaadiid dagaal oo lagu arkayo
    Next Article Golaha Amniga oo Dowladda Somaliya ka dalbaday inay degdeg u qabato Doorasho xor iyo xalaal ah

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo