Waxaa goor dhoweyd Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland laga soo saaray bayaan lagu caddeeyay go’aanka rasmiga ah ee Puntland ka qaadatay shirka Cadaado ka socda Cadaado ee maamulka loo sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo sheegtay in shirkaasi uu sheegtay dhul ka mida Puntland.
Bayaanka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa la sheegay inay nasiib darro tahay in Cadaado lagu qaybiyo qoraal lagu sheegay Dastuur oo ay ergooyinku ansixiyeen kaasoo tilmaamaya in maamulkaasi xuduud la lee yahay Gobolka Nugaal, waxayna arrintani ku tilmaameen dagaal lagu soo qaaday Puntland ayna iska difaaci doonaan, iyadoo bayaanka lagu eedeeyay inuu goobjoog ka ahaa shirka Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka Cabdiraxmaan Odowaa.
BAYAANKA HOOS KA KA AKHRI