Waxaa galabta maqribnimadii kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho qaar ka mida maxaabiistii Soomaalida ee ku xirnaa dalka India.
Maxaabiista oo dowladda Somaaliya ay Diyaarad u dirtay waxaa la socday Xeer ilaaliyaha guud ee Qaran Dr. Axmed Cali Daahir iyo Maxaabiis gaareysa 41-Maxbuus oo laga soo daayey Xabsi ku yaalla Hindiya, waxaana lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta soo dhoweynta maxaabiista ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Golihiisa iyo mas’uuliyiin kale. Waxaana la sheegey in dowladda Federaalka ay gacanta ku heyn doonto Maxaabiistaasi.
Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Warbaahinta ku hadlay ayaa ka hadlay qaabkii lagu soo daayay maxaabiistan oo dhibaatooyin badan kala kulmay xabsiyada dalka India.