Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka xiray saaka qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho xilli lagu wado in furmo Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Wadadda Maka Al-Mukarama ayaa la xiray, looma diiday gaadiidka, waxaana iyagna la xiray wadooyinka soo gala jidkaasi oo loo diiday inay gaadiidka kasoo gudbaan, taasoo wadadadda kale ee wadmaha ka dhigtay ciriiri fara badan.
Dadka Muqdisho gaar ahaan kuwa gaadiidka wata ayaa qaati ka taagan wadooyinka la xiro ee Muqdisho iyadoo saacado ku qaadato isu socodka wadooyinka Muqdisho oo isu bedela jaam, iyadoo ay sii xoogeysaneyso caadadii xirashada wadooyinka.