C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii loola dhaqmay markii dowladda Soomaaliya ay u gacan geliay Itoobiya, wuxuuna ka hadlay qaabkii loo afduubtay ee loo dhoofiyey.
“Anigoo indho duuban, oo cago cad, oo qaawan, ayaa caasimaddii Soomaaliyeed la iga dhoofiyay, oo ley jir diley, la i ihaaneystay, balse waxaan ogaaday in aan leeyahay 30 milyan oo walaalo Soomaaliyeed..” ayuu yiri C/kariin Qalbi dhagax oo khudbad qiiro leh ka jeediyay xaflad Qado ah oo ka dhacday magaalada Nairobi.
HOOS KA DAAWO
https://youtu.be/As49iREieiU