Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Maxamed ayaa ku dhaqaaqay arrin dad badan ka yaabisay markii uu hakasho (transit) ku maray Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho xilli uu dib uga soo laabtay socdaalkii uu ku tegay magaalada Garowe ee maamulka Puntland halkaas oo uu heshiis muranaka badan dhaliyay kula soo galay Puntland.
Ra’iisal wasaaraha ayaa garoonka Muqdisho ku ekaaday, uga sii duulay magaalada Bujumbura ee dalka Brundi oo socdaal shaqo uu ku tegay, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay qaar kamida golaha wasiirada. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha uu diidanaa inuu Muqdisho gudaha u galo si uu uga badbaado in xilka kusimaha ra’iisa wasaaraha oo uu hayay wasiirka amniga oo ay isku dhow yihiin Ra’iisal wasaaraha laga wareejiyo, kadibna uu qabto wasiirka Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir.
Arrinta kusimenimada Ra’iisal wasaaraha ayaa noqotay mid cakiran kadib markii ay mar kaliya Muqdisho ka wada maqnaadeen:
1. Ra’iisal wasaaraha
2. Ra’iisal wasaare ku xigeenka
3. Wasiirka Garsoorka
4 iyo Wasiirka arrimaha Gudaha
Taasoo keentay inuu jagadaas markii ugu horeysay qabto wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg. Wasiirka garsoorka ayaa wararku sheegayaan inuu aad u daneynayay xilka kusimenimada si uuu u fuliyo qorsheyaal muhiim ah oo quseeya arrimaha garsoorka, waxaase muuqata inay markale ka fashilantay.
Wadani info.
Muqdisho