Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga magaalada Garowe ayaa kulan Gurigiisa kula yeeshay Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid sharafeed ayuu C/raxmaan Faroole ku soo dhoweeyay hoygiisa Ra’isal wasaaraha, waxaana dhex maray kulan socday muddo kooban oo la sheegay inay uga wada hadleen xaaladda dalka, Doorashooyinka Puntland iyo arrimaha Federaalka.
“Waxaan Gurigeyga iigu yimid Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan.. waxaan ka wada hadalnay amuuro guud oo ku saabsan dowladnimada Soomaaliya maadaama aan ahay nin oday ah Golaha Sarena ku jira odoyaashii Puntland ee asaasayaashiina ah madaxna kasoo ahaan jiray, talooyin buu iigu yimid ku saabsan waxa ay ka shaqaynayaan iyo waxyaabaha soo aadan.” ayuu yiri Faroole oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib.
Faroole ayaa sheegay inuu kala hadlay Ra’iisal wasaaraha in la dedejiyo wadahadalka Somaliland oo lagala hadlo waxyaabaha ay tabanayaan, wuxuuna ka codsadayinuu Ra’iisal wasaaraha ka faa’iideysto firfircoonida ku jirta oo u waqtiga haray wax la taaban karo ku qabto.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre Dhinaca ayaa dhinaciisa ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuu xusay inuu aad ugu faraxsanyahay la kulanka C/raxmaan Farole.