Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya Muddane Mahdi Mohamed Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayo iyo xubno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiiradda ayaa gaaray magaaladda New Delhi ee dalka Hindiya.
Ujeedadda Socdaalka wafdiga Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya ayaa ah ka qayb galka shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance, oo maalinta berri ah furmaya, shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynayaasha 121 dal oo ka mid ah dalalka caalamka.
Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya waxaa safarka ku wehliya wasiirkaBiyaha iyo Korontada xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo uu socdaalkiisa ku soo beegmayo xilli uu dalka ka maqan yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Amb: Abyan Ladane iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hindiya ayaa wefdiga Ra’iisal wasaaraha ku soo dhoweeyay magaalada New Delhi.