Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay farriin toos ah oo u muuqata amar ku socday madaxda shanta Maamul Goboleed ee xilligan ku sugan magaalada Muqdisho.
Farriinta Safaaradda ayaa u qorneyd sidata: “Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda dhacda. Saciid Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo C/casiis Lafta-gareen waa in ay Muqdisho joogaan ilaa heshiis laga gaaro. Fashilku ma aha mid furan”.
Farriinta Mareykanka ayaa timid kadib baaqii Beesha Caalamka ee maanta lagu faahfaahiyey shirka wadatashiga ee lagu wado inuu Berri ka furmo Muqdisho, waxaana xogta sheegeysaa in fariinta Mareykanka ay ku socoto qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo degan Hotel ku yaalla xarunta Xalane ayaa la sheegay inay u soo diyaar garoobeen inay Muqdisho joogaan Bil iyo waqti ka badan inta Farmaajo ka ogolaanayo Doorasho aanu saameyn ku lahayn oo xor u dhacda; laakiin madaxda maamul Goboleedyada taageersan Farmaajo ayaa la sheegay inay saameyn toos ah ku leedahay, kuna socoto farriintan.
Sidoo kale farriinta dowlada Mareykanka ayaa ka horjeeda baaqii dhowaan ka soo baxya Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay inuu shirku soconayo muddo laba maalmood ah, waxayna farriintu si cad u sheegeysaa in shirku uu kaliya dhammaan karo marka heshiis buuxa la gaaro.
