Ciidamada Dowladda qeybtooda 21-aad iyo Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay degaanka Sinadhaqo ee koonfurta ka xiga magaalada Dhuusamareeb.
Wararka laga helay dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay 3 ka tirsan dagaalameyaasha Alsahbaab. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey inuu dagaalka uu ku dhintay Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qeybta 21-aad Kabtan Sayid Bicir.
Wararku ayaa sheegaya inuu dagaalku geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.
Alshabaab ayaa sidoo kale isla maanta weerarro kale ku qaada ciidamada dowladda ee saldhigoodu ahaa Awdhiigle iyo Bariire ee Shabeelada Hoose, waxay kaloo weerarro qaraxyo iyo hoobiyeyaal ka geystay Jannaale iyo Lafoole.
