Shirarkii wadatashiga ahaa ee magaalada Garoowe uga socday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa kusoo dhammaday iyadoo lagu dhawaaqay shir ay labada dhinac yeelanayaan muddo Bil iyo Bar ah kadib.
Madaxweyne Farmaajo ayaa codsi u jeediyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, kaasoo ahaa in shirka labada dhinac ay marti geliso Puntland, laguna qabto magaalada Garoowe bartamaha bisha Maarso.
Madaxweynaha Puntland ayaa shaacisay codsiga Madaxweyne Farmaajo inuu aqbalay oo Puntland ay martigelin doonto shirka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada.