Qeybtii labaad maxaabiis ku xirnaa dalka India oo loo heystay Burcad Badeednimo ayaa maanta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde.
Maxaabiistan oo tiradoodi gaareysay ilaa 76 ayaa soo dhammeystay mudaddii xabsiga ee lagu xukumay, waxaana diyaarad u dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo uu garoonka ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayo Ra’iisal wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar).
Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashey siideynta muwaadiniinteed oo ku xirxiran xabsiyada caalamka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay, wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen, horey waxaa loo soo daayay 41 qof, 3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee kujira Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.