Afhayeenka guud ee Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay aad iyo aad uga xun yihiin qasaaraha nafta iyo maalka leh ee Qaraxii Ex. Kontrol Afgooye kasoo gaaray dadka shacabka Muslimiinta ah, wuxuuna u rajeeyay Shahaado iyo Janno.
Maalintii sabtidii waxaan weerar ka fulinay Ex. Kontrol Afgooye oo ay beegsaday Shisheeye Turki ah iyo ilaaladooda, kolonyadii qasaare weyn ayaana loogu geystay Turkigii duulaanka ku ahayd umadda.. dhanka kale weerarka ayaa qasaare naf iyo maal isugu jira gaarsiiyey dad muslimiin ah oo la kulmay xilliga weerarka.. waxaan aad iyo aad uga xunnahay qasaaraha kasoo garay umaadeena Muslimka ah ee Soomaaliyeed. waxaana ka tacsiyadeynayaa dhammaan dadkii ku dhintay, kuwii ku dhaawacmay iyo intii ku hanti beeshay..” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo farriintiisa ahayd mid aan hore loo arag.
Afhayeenka Alshabaab ayaa cod socday muddo 24 daqiiqo ah socday oo arrintan ku saabsan ku sheegay in Alshabaab ay tahay kuwa ugu horeeya ee ay gubeyso dhibaatada shacabka Muslimka ah, wuxuuna rajeeyay in shahaado Alle ka aqbalo, isagoo ku dooday in qadar Illaahey ay ku dhacday inay gaadiidka shacabka meeshaasi kula kulmaan qaraxa.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in xaalad adag ay kula dagaalamayaan caddowga, ayna aamisan yihiin in dhiigga muslimka ah uu xaaraan yahay, ayna ku beegsan lahaayeen meelo ka dad badan Ex Kontrol Afgooye.
HOOS KA DHAGEYSO