Laba qof oo shaqaale ah ayaa ku dhintay Kaawo ku duntay oo ku taalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Kaawada oo la qodayay ayna ku dhex jireen shaqaalaha dhintay ay ku duntay, waxaana ku dhintay laba ka mida shaqaalaha, sida uu xaqiijiyay guddoomihaha degmada Kaaraan.
Kaawooyinka laga qodo dhagaxa iyo carrada ayaa shilal noocan ah ay ka dhashaan iyadoo marar badan ay isla kaawada maanta duntay hore ugu dhinteen shaqaale kale.
DAAWO SAWIRRO