Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan ku yeeshay magaalada Jabuuti kadib booqasho rasmi ah oo 2 maalmoood ah oo uu Jabuuti ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la joojiyey shir ay saxaafadda wadajir ugu qaban lahaayeen labada madaxweyne.
Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. ayaa Qasriga madaxtooyada ku soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kadib labada dhinac dhex maray wadahadal ku saabsan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa kulanak kadib saxaafadda la hadlay isagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.
Wararka ayaa sheegaya in kulan ay si wadajir ah saxaafadda ula hadli lahaayeen labada madaxweyna la baajiyey, iyadoo taas bedelkeed uu saxaafadda la hadlay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, taasoo muujineysa inaan wax heshiis ah laga gaarin arrimihii dhex yiilay labada dal, ayna weli taagan tahay xiisadii diblomaasiyaded ee labada dhinac, waxaase lagu wadaa inay sii socdaan wadahadalka.
Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.