Shirkadda Jubba Airways oo ka mida shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha ee ka howgala dhulka Soomaalida iyo Geeska Afrika ayaa sanadkan ku guuldarreysatay inay soo celiso dadkii Cumreysiga ugu qaaday Sacuudiga.
Rakaab boqolaal ah oo ah dadkii Jubba Airways u raacay safarkii Cumrada ee Ramadaanka ayaa ku xayirmay dalka Sacuudiga, taasoo la sheegay inay ugu wacan tahay cilad ku timid diyaaradihii shirkadda, waxayna taasi keenay in rakaabkii oo lacagtooda u shubay shirkadda ay radsadaan shirkado kale oo dib ugu celiya magaalooyinkooda.
Qaar ka mid rakaabka oo ehelooda ay lacago kale u direen ayaa la soo mariyey dariiq dheer oo Qaahira ilaa Nairobi iyo Muqdisho isku xirnaa, waxayna sheegeen in shirkadda ay si weyn ugu xadgudubtay iyadoo aan dadka intooda badan u raadin duulimaadyo kale oo xaq loogu lahaa.
Dhacdadan kadib ayaa waxaa cabsi laga muujinayaa sida shirkadda Jubba oo muddo dheer u xiran yahay leynka Xajka ay u awoodi doonto inay kumanaanka xujeyda ah sanadkan u sameyso adeeg nadiif ah xilli ay dagaal ugu jirto inaan leynkaasi cidna la qeybsan, laguna tartamin.