Shirkaddaha Duulimaadyada Jubba Airways iyo Daallo Airlines ayaa afka furtay iyagoo weerar ku qaaday xildhibaanno iyo senatoro dadaal u galay in la dhimo qiimaha Soomaalidu ku tagaan Xajka.
Shir jaraa’id oo ay qabteen labadan Shirkadood oo muddo dheer heystay Mashuurca Xajka iyo Cumrada ayay kasoo saareen qoraal u badan aflagaado ay u geysteen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ee ka dooday qiimaha sareeya ee laga qaado xujeyda Soomaalida.
War-saxaafadeedka labada shirkadood ayaa lagu yiri: “Shakhsiyaad qaarkood oo masuuliyad iyo xasaanad Qaran leh oo war ay kaga been sheegayaan xaaladda dhabta ah ee shirkadduhu u fuliyaan shaqadda Xajka ku baahiya warbaahinta, iyado ujeedadooda dhabta ahi ay tahay KU QABSO KU QADI MAYSIDE..”.
Shirkadahan ayaa ku dooday inay maal iyo tacab soo gelinayeen mashruuca Xajka, waxayna ka digeen in la doonayo in si howl yar dad kale loo siiyo. Waxayana war-saxaafadeedka oo u qornaa qaab qalafsan, iyagoo been abuur ku tilmaameen wararka laga faafiyey arrimaha xajka.
Waxaa xusid mudan in Shirkadda Jubba Airways ay tahay tan kaliya ee heysata mashruuca xajka Soomaalida, waxaana madax u ah xildhibaan Siciid Nuur Giriish oo ah Ganacsade heshiis kula jira Amiiro ka tirsan Sacuudiga. Waxayna qeylo dhaantan soo baxday markii dowladda Soomaaliya la sheegay inay la wareegeyso arrimaha Xajka.
HOOS KA AKHRISO WARAR KU SAABSAN XAALADDA XAJKA IYO XUJEYDA SOOMAALIDA
KASHIFAAD: Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..?
KASHIFAAD: Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..?