Shirkii Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Dhuusamareeb.
Shirka oo noqonaya shirkii 4-aad ayaa dib u dhacay muddo 2 maalmood ah, waxaana meesha ka baxay qorshihii uu dejiyey Madxweyne Farmaajo ee ahaa inuu furmo 1- Febraayo, lana soo gabagabeeyo 3-da Febraayo ee maanta, taasoo meesha ka saareysa qorshihii kale ee ahaa inuu 5-ta Bisha Febraayo hortago Baarlamaanka Federaalka.
Shirka oo xalay ugu danbeyn lagu waday inuu furmo ayaa dib u dhac ku yimid, wuxuuna ku furmayaa jawi aad u cakiran, iyadoo dhinacyada uu ka dhaxeeyo ay aad u kala fog yihiin, is-aaminkuna ku yar yahay, taasoo ay ugu wacan tahay in Madaxweyne Farmaajo uu khilaaf xoog leh kala dhaxeeyo madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku heysa dhinacyada inay gaaraan heshiis wadar ogol ah oo lagu fuliyo Doorashada xayiran, waxaana la sugayaa waxa kasoo bixi doona shirka Dhuusamareeb 4 oo imaanaya iyadoo ay muddo xilkeedka madaxweyne Farmaajo ka harsan tahay 5 maalmood oo kaliya.

