Wararka laga helayo Shirka Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho ayaa lagu gaaray Qodobo hordhac ah.
Shirka oo muddo laba maalmood ka socday Muqdisho waxaa lagu heshiiyay qodobadda kala ah:
- Shaqadii Guddiyada Doorashada ayaa ku eg isla 15-ka Decembar 2016.
- In Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uu kulankiisa ugu horeeyo isugu yimaado 15-ka Decembar 2016.
- Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka ayaa isla dooranayaa 22-ka Disembar
- Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la dooranayaa 28-ka Decembar 2016
Shirka ayaa lagu wadaa in beri la soo gabagabeeyo iyadoo laga soo saarayo warmurtiyeedku saabsan qodobadda lagu heshiiyay, waxaase weli caddeyn sida looga gudbayo muranka ka taagan xubnaha Aqalka sare ee loo qoondeeyay Somaliland.
Wadani.com