Xukuumadihii ugu danbeeyay ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa caadi ka noqday in xilalka wasaaradeed loo doonto si dhaqaale looga tacbado, beeluhuna ku xisaabtaman wasaaradaha mashaariicda leh ee dhaqaalaha laga helo si ay u bartilmaameedsadaan.
Haddaba Wadani.com waxay idin soo gudbineysaa Hay’ad muddooyinkii danbe si gaara isha loogu hayay oo xukuumadihii isaga danbeeyay xukunka ay si gaara arrinteeda u maamulayeen iyadoo hay’adaasi ay caadiyaan hoos tagto wasaaradaha jira mid kamida.
Waaxda aan ka hadleyo waa Degaanka ama arrimaha Bii’ada oo ka mid ahaan jirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, laakiin waxaa laga jaray wasaaradaasi waxayna noqotay waax si gaara u hoos tagta xafiiska Ra’iisal Wasaaraha tan iyo markii laga baxay KMG ee la dhisay xukuumadii Saacid.
Isku shaandheyn magacyo kala bedelid iyo is raacin ku saleysan oo Ra’iisal wasaare Saacid sameeyay 10-kii Janaayo 2013 ayaa waxyaabihii lagu sheegay waxaa ka mid ahaa:
Qodbka 2-aad Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisul wasaaraha.
Arrintan oo si kumeelgaara lagu sheegay waxay xukuumadaasi dhacday iyadoo Ra’iisal wasaaraha xafiiskiisa laga maamulayo Waaxyada Dalxiiska iyo Degaanka iyo Duurjoogta.
Ra’iisal wasaarihii ka danbeeyay C/weli Sheekh Axmed, wuxuu isna si toos ah ula wareegay Waaxyaha Bii’ada iyo Hoteelada, waxaana loo magacaabay nin ay saaxiibo yihiin Ra’iisal wasaaraha oo maamulka waaxyahani.
Ra’iisal wasaarihii saddexaad ee xilka dhowaan la wareegay wuxuu isna ku dhaqaaqay tallaabo kale oo ah in arrimaha Bii’ada ay isaga hoostagaan waxaana loo magacaabay Burci Maxamed Xamza oo arrimahaas khabiir ku ah inuu noqdo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee arrimaha Bii’ada.
HADDABA MAXAA KEENAY IN WAAXDANI KA BIXI WEYSO GACANTA RA’IISAL WASAARAYAASHA…?
Waa su’aal in la is weydiiyo u baahan sababta Ra’iisal wasaare kastaa u caashaqo WAAX marka dusha laga eego ah meel eber ah oo aanay waxba ka muuqan..? Sirta arritan ka danbeysa oo Goojooge.com ay soo xaqiijisay ayaanu la wadaageynaa akhristayaasha.
Waxaa jira mashruuc malaayiin doolar ku baxeyso oo ku saabsan arrimaha Bii’ada ayna saxiixday xukuumadii hore, lacagt mashruucaasi waa in ka badan 7-milyan oo doolar oo wax looga qabanayo arrimo quseeya degaanka Soomaaliya. Mashruucan oo ay maalgelineyso Norway waxaa lagu wadaa inay fulintiisu bilaabato, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda ugu macaashka badan ee ka dhantaalmay xukuumadii C/weli.
Sidaas darteed sirta ka dambeysa in Ra’iisal wasaarayaasheenu is hoos keenaan Waaxyaha dowladda qaarkood waa arrim dhaqaale iyo sidii ay ugu dhowaan lahaayeen mashaariicda dowlaha ee dheefta leh.
Faaqidaadda Wadani.com
Muqdisho