Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wuxuu taageeray tallaabadii uu wasiirka gudaha xilka uga qaaday xoghayihii Wasaaradaasi, isagoo aan keenin wax sharci ah, balse sabab uga dhigay inay hore u dhacay dowladii hore oo wasiirkii xilka uga horeeyay uu tallaabadan oo kale qaaday, wuxuuna ku taliyay in mudane Yaxye xil kale loo raadiyo, isla markaana ay cudurdaar bixiyaan wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka Wasiirka.
HOOS KA AKHRI QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR
Xil ka qaadista uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sameeyey xoghayaha joogtada waxaa ka dhashay falcelis aan hanaanka dawladnimo ku haboonayn. Sidan oo kale ayaa wasiirkii ka horeeyey Mudane Odowaa uu digreeto xilka uga qaaday xoghayihii joogta ahaa Dr Ismaaciil Jimcaale, uguna magaacabay xoghaya haatan xilka laga qaaday Mudane Yaxye Cali.
Waxaa ila haboon in wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha ay cudurdaar ka bixiyaan hab dhaqanka khilaafsan hannaanka iyo habraaca maamul ee dawliga ah, Mudane Yaxyena xil kale loo raadiyo, sidii la yeelay Dr Jimcaale oo Wasaarada Cadaalada la geeyey.
Dalka weli xaalad nuglaansho ah ayuu ku jiraa oo tanaasul, kab kab iyo isku keen mudo qaadanaya u bahaan.