Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa amar culus kasoo saaray ciidamada Milateriga ee haya shaqooyinka leexsan.
Wareegto kasoo baxday Taliyaha oo ku taariikheysneyd 14-kii Maarso 2020 ayaa lagu amray dhammaan taliyeyaasha ciidamada joojinta shaqooyinka leexsan ee Ciiidamada Xoogga Dalka, iyo in si degdeg loo xareeyo ciidamadaasi, iyadoo taliyihii soo xareyn waaya ciidamada uga maqan shaqooyinka noocaas ah tallaabo laga qaadi doono.
Askarta amarkan quseeyo ayaa u badan ilaalada Mas’uuliyiinta dowladda sida xildhibaannada, wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale oo mas’uul kasta uu u yeertay 2 ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada milateriga oo ay isku heyb yihiin, taasoo in muddo ah caqabad ku ahayd ciidamada xoogga dalka, waxaa kaloo ka mida ilaalada hoteelada iyo goobaha kale ee ganacsiga.
Amarkan ayaa sidoo kale saameyn doona siyaasiyiin caan ah iyo madaxdii hore ee dalka oo ciidamo badan oo mushaar ka qaata taliska xoogga dalka ay ilaalo iyo taageere u yihiin.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
