Waxaa xarunta Dugsiga sare ee Booliska Muqdisho ka socda munaasabadda furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku kulansan yihiin labada aqal.
Waxaa khubad u jeedinaya labada Aqal Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu arrimo badan uga hadlo, iyadoo xilligan dowladda Soomaaliya ay wajaheyso xaalado kala duwan oo siyaasadeed iyo amni.