Wadahadalladii u socday Madaxweynah Somaliland iyo madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa lagu kala dareeray, kadib markii uu fuli waayey qodobkii asalka u ahaa khilaafka labada dhinac.
Kulankii saaka ee Madaxtooyada Hargeisa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland, madaxda saddexda xisbi ayaa ku dhammaaday fashil iyadoo Muuse Biixi laga sugayey fulinta qodobadii ay soo jeediyeen Guddiga dhexdhexaadinta ee uu dalbaday in waqti la siiyo kulankii hore, laakiin wuxuu markan si cad ugu sheegay inuusan kala diri karin Guddiga Doorashada ee la isku heystay.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro ayaa kulanka fashilmay kadib saxaafadda u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu gacanta ka taagay inu kala diro Guddiga Doorashada, taasoo ka dhigan ayuu yiri inuu ka hor yimid taladii Guddiga Dhexdhexaadinta.
Wuxuu ugu baaqay Guddiga Doorashada ee muranka ka taagan yahay inay is casilaan si Somaliland ay doorasho uga dhacdo, wuxuuna in labada xisbi ee mucaaradka Waddani iyo UCID ay kulamo kale ka yeelan doonaan arrintan, ayna xaaladda ogeysiinayaan beesha Caalamka ee ku howlaneyd sidii ay doorasho uga dhacdo Somaliland.