Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib loo furay wadooyinkii xirnaa ee xalay saqdii dhexe loo xiray kulanka baarlamaanka.
Waxaa dib loo furay guud ahaan wadooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan is-casilaaddda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), iyadoo xaaladda ay degan tahay.
Ciidamo fara badan oo xalay la dhigay wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa laga qaaday, waxaana caadi ku soo noqday isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha oo maalmihii ugu danbeeyay dareemay ciriiri iyo xaalad amni oo culus.
Kulamada Baarlamaanka iyo xiisadaha siyaasadeed ayaa ka qeyb qaata inay kala xiranto magaalada, taasoo ay cabasho weyn ka muujiyeen dadweynaha magaalada.
Xaaladii cakirneyd ee siyaasadeed iyo khilaafkii Barlamaanka ka dhex taagnaa ayaa soo gabagaboobay iyadoo la isla dhex marayo isbedelka ay keeni doonto is-casilaadda Guddoomiye Jawaari.