Waxaa maalintii labaad xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo isu socodka Gaadiidka uu noqday gabaabsi, waxaana dhibaato weyn ka soo wajahday ardayda iyo dadweynaha kale.
Dowladda Federaalka iyo Ciidamadeeda oo u muuqda inay waayeen xal aan ka ahayn xiritaanka Wadooyinka caasimadda xilli waliba oo wafdi yimaado ama mas’uul baxayo oo lagu daro socdaalka gudaha ee madaxda ayaa amniga waxaa xilliyadasi suga kumnaan ciidamo ah oo lagu soo kordhiyo kuwii hore.
Waxaa Wadooyinka maraya dadweyne fara badan oo lugeynaya, waxaana gadiidka qaarkood ay maraan wadooyin qarda-jeex ah oo intooda badan u xirma gaadiidka badan ee isug yimaada.
Wadooyinka maalintii labaad xiran ee Muqdisho waxaa ka mida Isgoosyada Ex-kontorool Afgooye ilaa Isgoysya Banaadir iyo Zoobe, waxaa kaloo xiran iyo wadada ugu muhiimsan ee Waddada Maka Al-Mukarrama, iyadoo gebi ahaan isu socodka laga joojiyey wadooyinka dhinaca C/casiis iyo Kaaraan.
Ujeedada ay maalintii labaad u xiran yihiin wadooyinka ayaa lagu sheegay inuu Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo maanta uu khudbad u jeedin doono labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.





Wadadda Maka Almukurama