Wadi ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Galgaduud ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya kadib markii la sheegay inay casuumaad ka heleen madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida ee kilinka Shanaad ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Wafdiga oo diyaarad laga soo diray Jigjiga ay ka qaaday magaalada Dhuusamareeb waxaa hogaaminayay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, waxaana wafdiga ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka GalGaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo odoyaal dhaqameedyo kale.
Ujeedada wafdiga ayaa ahaa sidii xal loogu heli lahaa colaadaha lagu hoobay ee ka taagan degaanada xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ee goboladda Hiiraan iyo Galgaduudee ay ku lug yeesheen ciidamada Liyu Police ee maamulka Soomaalida Itoobiya.
Wafdiga Soomaalida ayaa waxaa garoonka Jigjiga soo ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/casiis Maxamed Cabdi, waxaana kadib wadahadal u bilowday wafdiga iyo madaxda maamulka Soomaalida Itoobiya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]