Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo kashifay xaqiiqada ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliya [Akhriso]

    Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo kashifay xaqiiqada ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliya [Akhriso]

    December 21, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ee la shaqeeya ciidammada xoogga dalka, aysan lahayn qorsho wada shaqeyn iyo isdhexgelin ah.

    Francisco Madeira wuxuu sheegay in tababarada kala duwan ee ciidammada Soomaaliya la siiyo aysan ka muuqan goobta dagaalka ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

    Tani waxay imaaneysaa iyadoo AMISOM ay bilowday in si aayar ah uga baxdo Soomaaliya. Illaa 1000 askeri ayaa illaa iyo hadda ka baxay dalka. In AMISOM ay bilowdo ka bixidda Soomaaliya wuxuu ka dhashay qaraar ay Qaramada Midoobey saxiixday bishii August.

    Qorshaha wuxuu yahay in masuuliyadda howlgalka ay la wareegaan ciidammada xooggadalka Soomaaliya. Askarta ayaa laga doonayaa in ay qeyb muhiim ah ka noqdaan dhowridda amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Presentational grey line

    Qodobada ugu muhiimsan ee uu ka hadlay madaxa AMISOM

    • Ciidammada Soomaaliya isku tababar ma ahan, mana wada howlgali karaan
    • Ma lahan talis sax ah iyo xakameyn
    • Waxaa tababara EU, Turkiga, UAE iyo dalal kale
    • Wada shaqeyn la’aan ka dhexeyso dalalka soo kala tababara ciidammada Soomaaliya
    • Waxay ciidammadaasi ku kala biiraan maamul goboleedyo, shirkaddo gaar ah
    • Kuwa militariga ku biiray ma haystaan adeegga aasaasiga ah sida hub iyo hoy
    • AMISOM kun askeri ayey Soomaaliya ka saartay. Sannadka soo socdana kun kale ayaa la bixi doonaan
    • Militariga Somaaliya diyaar uma ahan in uu la wareego fariisimada AMISOM ay banneyneyso
    • AMISOM ciidammo badan way keeni kartaa, haddii maalgashi ay hesho
    • Tirada ciidammada waxay ku xiran tahay qalabka ay haystaan sida diyaaradaha
    • AMISOM in ay isku dayeysay in ay caawiso ciidammada Soomaaliya si hubka uusan gacanta ugu galin Al-Shabaab
    Presentational grey line

    Laakiin madaxa AMISOM wuxuu sheegayaa in militariga Soomaaliya aysan “diyaar u ahayn in ay la wareegaan saldhigyada ay AMISOM ka bexeyso iyo howlgalka amniga”.

    Ciidammada Soomaaliya ma haystaan qalab ku filan, tiradoodana ma gaareyso inta loo baahan yahay, balse waxay hadda la howlgalaan kuwa AMISOM iyo ciidammo kale oo ajaaniib ah.

    Francisco Madeira wuxuu sheegayaa in tababarka aadka loogu baahan yahay ee hadda socda uusan lahayn mabaadii’da aasaasiga ah.

    Midowga Yurub, Turkiga, dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo kuwa kale ayaa tababara ciidamada Soomaaliya, balse Madeira wuxuu sheegayaa in loo baahan yahay in la isu yimaado oo la isku raaco qaabka loo mideyn karo dadaalka la wado.

    Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah ciidammada la tababaray ay maamul goboleedyo ka tirsan yihiin, qaarna ay ku biiraan shirkado gaar loo leeyahay oo amniga ka shaqeeya, kuwana ay ka tirsan yihiin militariga balse “aysan haysan waxyaabaha aasaasiga ah sida hubka iyo xarrumo”.

    AMISOM dhankeeda waxay wajeheysaa dhaqaale xumo ka dhallatay maalgelinta xaddidan, waxaana jirto cabsi ah in ka bixitaankooda uu saameeyo guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    AMISOM Francisco Madeira Milateriga SNA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Danab oo dilay Maxaabiis Alshabaab oo ay galbinayeen kadib weerar uga yimid Alshabaab
    Next Article Guddoomiye Jawaari oo Jawaab culus iyo talo sharciyeed u diray Xeer ilaaliyaha Qaranka [Akhriso Qoraalka]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo