Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta maalintii ugu danbeysay ee loo qabtay inay gudbiso jawaab ku saabsan kiiska dacwadda Badda Kenya iyo Somalia ee yaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.
Soomaaliya ayaa hore looga ogolaaday in dacwadaasi ay qaadi karto Maxkamadda Adduunka markii ay Kenya ku dooday in dacwadaasi lagu soo celiyo labada dal oo aanay Maxkamadda Adduunka sharci u lahayn inay gasho, tasoo si weyn ugu dabaal degeen dadka Soomaaliyeed.
Maxkamadda Adduunka ayaa Soomaaliya siisay inay jawaab ka bixiso dood dacwadeed ay Kenya gudbisay aakhirkii bishii Disembar 2017, taasoo 18 June 2018 oo maanta ay ku eg tahay sida ku cad qoraalka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ soo saartay Bishii Febraayo ee sanadkan 2018.
Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay xarunta maxkamadda caalamiga ah ee Hague dalka Holland, halkasoo ay gudin doonaan dhowaan jawaabta dowladda Soomaaliya oo ku wajahan qoraal ay Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ oo la sheegay inay ku soo dartay arrimo cusub.